Mareykanka oo ka hadlay Howlgal lagu qabtay Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Cabidrisaaq Tahliil

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamadeeda sida gaarka ah u Tababaran iyo kuwa Puntland  ay gacanta ku dhigeen Cabidrisaaq Tahliil Ina (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee Al-Shabaab ee deeganada Gobolka Mudug.

Mareykanka ayaa sheegay in Cabidrisaaq Tahliil lagu raad-joogay sanadihii dambe islamarkaana lagu guuleystay In gacanta lagu dhigo kadib howlgal laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Howlgalka laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ayuu Channel-ka CNN waxa uu daabacay in lagu bartilmaameedsaday Cabidrisaaq Tahliil (Ina Calool Geel)  oo ka mid ahaa Saraakiisha dagaalyahanada Al-shabaab, islamarkaana ku dhuumaalaysanayay mudooyinkii dambe dhanka Galmudug iyo labo ruux oo isaga la socotay.

Maamulkii hore ee Puntland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ayaa gacanta ku dhigey Tahliil Nofeember 17, 2012-kii isaga iyo rag kale, waxaana lagu soo qabtey iyaga maleegaya qaraxyo, kadibna waxaa lagu xirey Garoowe, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah sanadkii 2013-kii.

Balse dhalinyaro ka soo jeeda Galmudug ayaa afduubtey laba ardey oo ka soo jeeda deeganada Puntland, iyaga oo doonaya in Tahliil la soo daayo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas maamulkiisa ayaa bishii Diseembar 2014 xabsiga ka sii daayey Tahliil si loogu beddesho ardeyda afduubka loo qabsadey, Tan iyo markii la soo daayey Tahliil waxaa halkoodi ka bilowdey dilalkii Gaalkacyo Waqooyigeeda ka socdey.

Cabidrisaaq Tahliil (Ina Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee Al-Shabaab ee deeganada Gobolka Mudug ayaa haysta sharciga daganaanshaha dalka Mareykanka.

PUNTLAND POST