Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray dhisme cusub Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 July 2017 xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xafladda Xadhig Jarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Guddomiyaha golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Dr. Cabdirahmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahano, iyo qaar kamida bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn tilaamay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka iyo kasoo qayb galka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey cidwalba oo ka  qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horeyaan madaxda Wasaaraddu iyo farsama yaqaankii dhisay dhismahani ( Engineer ).

” Waxaan raba inaan amaan iyo bogaadhin usoo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hogaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hogaaminayey Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto.” ayuu yiri Madaxweynuhu

Sidoo kale Maxweynaha ayaa cadeeyey in dhismaha Wasaaradda Maaliyadda lagu hirgeliyey si isku tashiya, kaasi oo hore uga go’ay  Puntland in ay wax ku qabsato isku tashi dhanwalba leh, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaraddu ku hirgeliyeen dhismahani 1.5% oo ay ka beekhaamiyeen gunnadooda.

”waxaan leeyahay Wasiir Cabdulaahi iyo intii la shaqaynayseyba waxay ka tegayaa taariikh aan weligeed la iloobi doonin oo ah in 1.5% adeegooda intay beeshaamiyaan dhismaha saas u quruxda badan ay dhisaan, runtii waxa weeye waxaan weli la arag loogana baran Puntland ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in la wadda ilaasho oo qof walba oo muwaadini masuuliyad iska saaro danta guud ee dalka, isla markaana meel looga soo wadda jeesto wax kasta oo dan u ah horumarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

”Puntland waxay u baahan tahay ilaalin cidkastana masuuliyad baa ka saaran, waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wadda-jeedsano horumarkeena iyo difaaca dalkeena intaba, insha Alla wixii hadda ka danbeeya inaan u wadda dhaqaaqno horumarinta dawladda nimadeena iyo dufaaca dawladdeena ayaan rajaynaynaa, cadawgeena hadii aynaan iska qaban dabcan horumarkaan ka hadlaynaa ma suuroobayo” ayuu yiri Madaxweynuhu

Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa amaan iyo bogaadin usoo jeediyey dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida wanaagsan ee xil kasnimadda leh ee ay isugu hawleen dhismahan quruxda baddan, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wadda shaqeeyo markasta waxa uu ku jiro wanaaga iyo masiirka danaha Puntland, isla markaana beri laga ahaado fadhi ku dirirka aan waxba siyaadinayn.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullahi Shiikh Axmed ayaa ku dheeraaday dedaalka iyo masuuliyadda gaar  ka ah ee ay iska saareen sidii ay  u hirgelin lahaayeen dhismaha Wasaaradda, waxaana uu cadeeyey in shaqaalaha iyo Masuuliyiinta sareba ay  hirgeliyeen dhismaha cusub ee Wasaaradda iyagoo ka duulaya halku dhigii Madaxweynaha ee ahaa ”Puntland ha isku tashato”.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland ahna xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka  DFS Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay guushan maanta mid taarikhda gelidoonta beri ka maalina lagu maamuusi doona cidkasta oo gacan ka gaysatey.

Sidoo kale Xildhibaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wadda qayb qaato dhamaystirka Dastuurka DFS, isla mar’ahaantaana waxa uu fariin u diray cid kasta oo faragenlin danagaara leh kuwadda dhamaystirka Dastuurka DFS.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu dhismayaal kale ka waddo qaar kamidda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday in horumarka ka socda Puntland uu gaadhi doono dhammaan degaanadda Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu shaagay in cadaaladda loo siman yahay muwaadin kastana uu ku naloondoono horumarka.