Madaxweynaha Hirshabelle oo Eedeyn u Jeediyay Puntland

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa eedeyn u jeediyay Puntland.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in lacago ay soo daabacday Puntland in dhibaato badan ku hayaan Shacabka Hirshabelle .

“Puntland waxay reer Hiiraan ka qaateen hantidii ay lahaayeen, waxaa loosoo daabacay waraaqado lacago laga soo dhigay, dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ayaa wax loogu badalayay iyagana Subag iyo waxyaalo kale ayay geynayeen dhanka Puntland, maantana waa tanaa waxba uma tarto oo waa faalso”, ayuu yiri Madaxweyne Osobole.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Puntland laga sugayo lacagaha mag-dhowga ee la siinayo shacabka la qiyaamay hantidooda.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Baledweyne  ee Gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay lacago faalso ahaa oo shilling Soomaali ahaa kuwaasi oo la sheegay in laga keenay dhanka deeganada Puntland .

Hoos ka Dhageyso Codka Cosoble.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho