Ganacsatada Baledweyne oo soo bandhigay lacagihii lagu diiday

Baledweyne [Puntland Post] Ganacsatada magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay lacagtii Shilin Soomaaliga aheyd ee guud ahaan laga diiday in laga isticmaalo magaalada Baledweyne iyo deeganada ku hareeraysan.

Kadib kulan ay magaalada Baledweyne kula qaateen Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa waxa ay ganacastada xarunta Gobolka isugu keeneen lacag fara badan oo Shilin Soomaali ah.

Waxa ay sheegeen in lacagtaasi ay tahay mid faaliso ah islamarkaan laga diiday, ganacstaduna khasaare kala duwan ay kala kulmeen.

Ganacsatada magaalada Baledweyne ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cbadilaahi Cosoble hadda kadib inay iska eegaan lacagaha suuqa soo gala, maadaama khasaare kala duwan ay kala kulmayaan dadka ganacsatada ah.

Cabdiqani Boos

Puntland Post