Dowladda Soomaaliya oo Hindiya kala soo wareegaysa 118 Maxaabiis ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in billowga Bisha August ay wafdi u direyso dalka Hindiya kuwaas oo dowladda Hindiya kala soo wareegaya 118 Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Hindiya.

Kuxigeenka Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay 1-da Bisha August ay dalka Hindiya u safri doonaan Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Maxaabiistaas ay Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegayso ayuu sheegaya Ra,iisalwasaare ku xigeenka Soomaliya in lagu xukumayo dalka Hindiya, kaddibna ay Maxkamadeynta kaddib ay la soo wareegayaan  laguna xiri doono dalka gudihiisa.

Mahadi Maxamed Guuleed  Ra,iisal wasaare ku xieeganka dalka waxaa uu intaas ku daray in ay qabsadeen Qareen caalami ah oo arrintaas ay u kaashanayaan,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in maxaabiistaas Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo laabtaan dhawaan.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya ayaa la kulma dhibaatooyin xooggan waxaana badankood loo heystaa falal Burcad badeednimo.

Waxayna dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ka yar sanad dhammaan Maxaabiista ku xiran dalalka Caalamka Muqdisho la keeni doono.

Cabdiqani Boos

Puntland Post