Baarlamaanka Puntland oo xasaanada siiyey Caaqil Shuuqe

Baarlamaanka Dowladda Puntland oo wali uu usocdo Kal fadhigii 39-aad ayaa maanta cod gacantaaga  xasaanada ku siiyey Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye ( Shuuqe), oo Madaxweynaha Puntland dhamaadkii bishii June 2017 u magacaabay xubin kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.

Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe) ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey khudbad uu kaga hadlayey taariikh nololeedkiisa , waxaana cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xildhibaanada Baarlaamka ee maanta fadhiyey kooramka Kalfadhiga 39-aad.

Dhinaca kale Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe) ayaa khudbad dareen leh ugu jeediyey mudanayaasha Baarlamaanka madasha fadhiyey, xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo tan gaarka ah ee Puntland , wuxuuna kula taliyey Xildhibaanada inay mar walba ka hormariyaan dan gaar ka ah mida guud.

Khudbada Cabdiraxmaan Diiriye ayaa ahayd mid uu kaga xog waramayo shirar dib uheshiisiin oo uu kaga qayb galay Muqdisho , iyo sidoo kale kala aragti duwaananshaha laga dareemayo Baarlamaanka iyo xukuumadda Puntland.

Daawo Khudbada Cabdiraxmaan Diiriye.

Xasan Baashe.

PUNTLAND POST.