Ra’isilwasaare Kheyre oo Kormeeray Xarumaha Ciidamada Ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kormeer shaqo ku tagey qaar kamid ah xarumaha ciidamada Dawladda ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore tegay xaruntii hore xisbiga ee ka mid ah xarumaha ay deggan yihiin Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha isla-markaana halkaasi kula hadlay ciidamadda.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahad-celiyey Ciidamadda Xasilinta caasimadda horumarka dhanka amniga ah ee ay caasimadda ka sameeyeen mudada yar ee ay howl-gallada wadaan.

“Anaga iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaa idin kaga mahadcelinaynaa howlgallada aad fuliseen oo ay cadowga ee kaaga hortagteen falalka cadowgu damacsanaayeen. Dadalkiina dad Soomaaliyeed ayaa ku badbaaday waxana idinku ammaanayaa idinkooda ku shaqeeya duruufo adag sida sharafta leh ee dalkiina iyo qarankiina ugu adeegteen.

“Yeddediillo ayey na gelineysaa horumarka dhanka amniga ah ee aad ka sameeyseen caasimadda tan markii qorshaha xasilinta caasimada ay dejisay xukuumadda, waxaan dooneynaa inaad sii laba-laabtaan dedaaladiina ku aadan nabadeynta Muqdisho, dawladdana waxay kordhin doontaa wax walba oo awooddeeda ah si loo yareeyo daruufaha aad ku shaqeyneysaan”. Ayuuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ciidamadda xasilinta caasimadda ee uu maanta booqday in ay xoojiyaan xirriirka shacabka si ay ugu sahlanaato ka hortagga falalka guracan ee kooxaha nabad-diidka.

“Shacabka waa inaad u nug lahaataan ulana dhaqantaan si dabacsan oo ixtiraam leh xiliyada aad ku jirtaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ee ku dhumaaleysanaya bulshada dhaxdeeda si ay u sahlanaato wada shaqeynta aad la leedihiin Shacabka”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo koormeerkiisa shaqo ee maanta ku tagey xarunta Villa Baydhabo ayaa indha-indheeyey qaar ka mid ah xafiisyada hoggaamada Ciidamada Xoogga Dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xirfada, aqlaaqda iyo xuquuqda ay leeyihiin ciidamada

Ugh dambeeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Saraakiisha Ciidamada Xoogga in qorshaha isla xisaabtanka xukuumadda ee lagula dagaallamayo musuqmuusaqa loo daadijiyo sarkaal ilaa askariga dablaha ah si loo hubiyo in askarta si hufnaan leh u helaan xuquuqdooda iyo garaam bileedka dawladda ay ku bixiso ciidamadda Xoogga Dalka. Waxana kormeerka R/Wasaaraha ku weheliyey Wasiirrro ka tirsan Xukuumadda.

6Z0A19056Z0A19206Z0A19286Z0A19326Z0A19446Z0A19626Z0A19716Z0A19986Z0A20326Z0A20416Z0A20716Z0A21046Z0A21116Z0A21666Z0A24166Z0A24326Z0A24496Z0A2480

DHAMMAAD

Faafintii Puntland Post