Puntland oo Gacanta ku Dhigatay 10 Ruux oo ay ku sheegeen al-Shabaab

Cawsane[Puntland Post]Ciidamada Daraawiishta Puntland,waxaa ay qabteen toban ruux oo ku safrayeey gaari kuwa raaxadda ah,kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanka buuraleyda ah ee Galgala Ee Gobalka Bari,halkaas oo saldhig u ah al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Puntland ee Sanaag ayaa sheegay in dadkaasi ay ka yimaadeen Magaalada Burco ,islamarkaana ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Waxaa uu sheegay in ay gaarayaan dadka ay qabteen 10 qof oo isugu jira rag iyo Dumar.

Dowladda wali faah faahin kama aysan bixin 10 ruux ee ciidamada amnigu qabteen,mana jirto warar ka madax banaan taliyaha hadlay warkiisa oo la heley.

Puntland ayaa muddo dagaal kula jirta dagaallamayaal al-Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaleysta buuraha Galgala.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post