Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dagaalka Xeraale

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf oo Warbaahinta la hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in maamulka Galmudug uu qeyb ka ahaa dagaaladii ka dhacay deegaanka Xeraale.

Sidoo kale madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in qorshaha maamulka Galmudug uu yahay in wax kasta lagu dhameeyo dib u sheshiisiin iyo wadahadal, balse aysan ahayd in maamulkiisu uu qeyb ka nodo dagaaladaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu danbeyn baaq u diray dhinayada ku dagaalamaya Xeraale, isagoo ugu baaqay in ay joojiyaan Xabada.

Dagaalkii ka dhacay Xeraale ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux, halk ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 40 ruux, kuwaas oo dhaawacyadoodii  la geeyay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.