Madasha bandhiga Waxqabadka Xukuumadda Puntland oo maalintii 2aad ka socota Garowe

Waxaa maalintii labaad caasimadda Puntland Garoowe ka socota madal ay gollihii wasiiradda ee barlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabteen ay ku soo bandhigayaan waxyaabihii ay qabteen mudadii ay hayeen xilka Wasaaradda.

Wasiiradda maanta soo bandhigay waxqabadkooda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Aniisa Cabdiqaadir X. Muumin, Wasiirka Degaanka Cali Cabdullaahi Warsame iyo Wasiirka Ganacsiga  Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran).  waxay madasha ku soo bandhigeen muuqaalo ka turjumayo ka tarjumayay waxqabadkoodii, iyagoo khudbadana ka jeediyay Madasha.

Madasha Bandhiga oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe, waxaa maanta si weyn u soo buuxdhaafiyay haween aad u tiro badan kuwasoo cududooda ku muujiyay  taageeradda  ay u hayaan Wasiirka haweenka, oo khubad dheer oo madasha ka jeedisay faahfaahin ka bixisay guulaha muuqda ee wasaaradda gaartay tan iyo markii ay xilka la wareegtay sanadkii 2014ka

Waxay sheegtay in ay   dadaal dheer  u gashay sidii haweenka iyo caruurta Puntland ay u heli lahaayeen nolol ka wanaagsan tii ay ku jireen maalintii aan xilka la wareegay, islamarkaana ay  u hirgashay balanqaadyadii ay hore u ballanqaadeen.

Wasiiradu waxay sheegtay in ilaa 500 kun oo haween  reer puntland ay wasaaradu u suurtagalisay in maalgalin la siiyo, waxay kaloo sheegtay in wasaaradu ay kaalmaysay 15 kun oo qoys oo ku nool dhammaan goboladda dalka. sidoo kale waxay sheegtay in wasaaradu ay heshay lacag ka badan hal milyan oo dollar oo ay mashaariic kaga fulin doonto caasimadda Garoowe

“Abaartii dheerayd ee wadanka soo martay waxay wasaaraddu ku bixisay dadaal dheeraad ah sidii dadka dhibaataysan loo gaarsiin lahaa raashin iyo biyo.Mudadii xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli jirtay waxaan caawinay dad  danyar ah oo dhan 15,120, bil walba waxaan caawimaad isugu jirta raashin, taakulo caafimaad, taakulo lacageed siinaa 360 qoys oo ku kala nool dhamaan gobolada Puntland” ayay tiri Wasiirka Haweenka Puntland.

Ugu Dambayntii, Wasiiradda Haweenku waxay ku boorisay ka soo qaybgalayaashii Madasha iyo dadweynaha reer Puntland inay ilaashaadaan nabadgelyada kala dambaynta iyo dowladnimada ay haystaan oo ay la shaqeeyaan xukuumadda iyo madaxda Puntland.

BANDHIGA WASAARADA DEEGAANKA.

Wasiirka Degaanka iyo duurjoogta Cali Cabdullaahi Warsame  wuxuu madasha ku soo bandhigay waxqabadkii wasaaradiisa ee dib u noolaynta degaamadii xaalufku ku dhacay, biyo-xireeno ay ka sameeyeen degaamada qaarkood iyo kuwo ay dhawaan dhagax dhigeen. wuxuu ka sheekeeyay sida wasaaradiisu ugu guulaystay inay baabiso dhul daaqsimeed si gaar ah loo xirmaystay iyo xirmayn ay ka samaysay dooxda dharoor oo haatan uu sheegay in dad badan oo xoolo dhaqato ah ay ka faa’iidaysteen.

Wasiirka oo soo bandhigay muuqaalo iyo sawiro muujinaya waxqabadka Wasaaradiisa, wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda, Barlamaanka iyo shacabka Puntland inay ilaashadaan dowlanimada iyo nabada ay haystaan oo lala shaqeeyo qof kasta oo loo dhiibo xilka

“Dowladdnimada halkaa danbe ku qabsada, hal maalina fowdo dalka yaan loo ogolaan, ninkii doona ha xukumo, ninkii doonaa Wasiir ha noqdo, anagu waxaan diyaar u nahay hadii nala ka maarmo , hadii dadkeenu naga maarmaan inaan ka baxno, Shacabkaan ku biireynaa.Laakiin Dowladdnimo lagama maarmo , Dowladdnimo lama taaban karo , gorgortan laguma geli karo, wadahadal laguma geli karo, dadka Noloshiisii weeye, Nabadiisii weeye, Horumarkiisii weeye, Sharaftiisii weeye” ayuu yiri Wasiir Cali Cabdullaahi.

BANDHIGA WASAARADA GANACSIGA.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdweli Xirsi Cabdulle wuxuu si la mid ah wasiiradii kaga horreeyay khudbadaha, soo bandhigay filim kooban iyo sawiro tilmaam ka bixinaya waxqabadkii wasaaradiisa mudadii uu xilka hayay. Wuxuu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda lagu lahaa 7000 kun dollar oo dayn ah, wasaaraduna ay deganayd guri kiro ah.

” Isha markhaati ah, dadweynuhu waa markhaati ,Anigu dadka waaya aragiinta ah baan ka mid ahayoo waxaan qirayaa dowladdan inay wax badan qabatay” ayuu yiri Indha guran.

Khudbadaha, muuqaaladda iyo doodaha  qaar ka mid ah gollaha wasiirada kalsoonida laga laabtay ay kusoo bandhigeen madasha waxqabadka xukuumadda ayaa u muuqata mid wasiiradu isaga difaaceen eedaymihii gollaha barlamaanku usoo jeediyay iyo saluuga dadweynaha qaar ka qabay waxqabadkooda. .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST