Wasiir Xoosh:-“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa War Moog”

Kadib markii Shalay Xildhibaanada BaarlamAanka Soomaliya ay laaleen go’aankii Maxakamdda Sare ee dalka ee 8-kursi ee doorashadooda lagu muransanaa ayaa arintaan waxaa ka hadlay wasiir ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda federaalka  Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay go’aankii uu baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku diiday go’aankii Maxkamadda Sare.

Wasiir Cabdi Xoosh Jibriil oo hadda  ku sugan magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land ayaa farrin uu soo dhigay bartiisa Twittterka ku sheegay inuu jahawareer ka qaaday go’aanka Baarlamaanka.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa warmoog… ma jiro Baarlamaan wax ka bedelikara go’aan ay riday Maxkamadda ugu sareysa dalka…” ayuu farriintiisa ku yiriWasiir Xoosh .

Dad badan ayaa la yaabay qaabka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay shalay u meel mariyeen go’aankii maxkamadda sare ku laashay sharcinimada 8-xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka.

PUNTLAND POST