Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Buulo-Barde

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu beegsaday Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM degmada Buulo-Burde ee gobalka Hiiraan.

Qaraxan waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso  ee meelaha fog-fog laga hago, waxa uu qaraxa sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burde.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Buulo-Burde ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili Ciidamada Jabuuti gaar ahaan kuwa Miino baarista ay howlo shaqo ay ka wadeen hareeraha garoonka diyaaradaha degmadaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Saddex askari oo Jabuutiyaan miino baarayaal ah tiro kale oo askar ahne weey ku dhaawacmeen.

Dhanka kale  Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa miino, waxayna sheegeen in qaraxaan lagu dilay 3-sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Buulo-Burde ee gobalka Hiiraan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho