Madaxweyne Erdogan oo Eedeeyn kulul u jeediyay Yahuuda

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey maamulka Yahuuda inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyiinta oo u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.

Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.

Falastiiniyiinta ayaa si aada u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaas ku soo rogtay.

PUNTLAND POST