Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay dib u furayaan Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Kenya[Puntland Post] Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo boqolaal qof kula hadlaayay  Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi bari ee dalka  Kenya ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay furaan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo uu sheegay in hadda uu xiran yahay.

Uhuru Kenytta ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo sheegaan Al-Shabaabka amni darada geysanaya, si loo helo nabad iyo xasilooni Gobalka o dhan.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in furitaanka xadka isku xira Soomaliya iyo Kenya  uu muhiim u yahay ganacsiga labada dal .

Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay iney xirtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay Soomaaliya, kaddib markii dalkaas ay gudaha u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab, amnigoodiina faraha uu ka baxay.

Cabdiqani Boos

Puntland Post