Hay’adaha Amniga oo Awaamiir Culus dul dhigay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa amaro culus kusoo rogtay dadka taageera Al-shabaab iyo dadka lacagaha ku bixiya ee ku sugan magaalada Muqisho.

Wasaaradda ayaa digniino culus u jeedisay dadka ku ganacsada Gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kuwasi oo lacago siiyay Al-shabaab.

Go’aamada ka soo baxay waxa ka mid ah:-

  1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
  2. Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
  3. Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
  4. Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo ayaa laga qaadaya.
  5. Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
  6. Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
  7. Caawa laga bilaabo Ninkii ganacsade ah oo aado degaanada Al-Shabaab ay maamulaan sida Tooro toorow ee lacag u geeya Al-Shabaab wa la xeraya talaabo aya laga qaadaya Hantidiisa dowladaa la wareegeyso.
  8. Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke uu ka Diyaariyay Shirka Jaraa’id ee Wasaarada Amniga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho