Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ee dalka Sweden oo maanta tagey Garowe

Waxaa maanta soo gaarey magaalada Garowe Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ee dalka Sweden Mursal Ciise kana mid ah guddiga fulinta xisbiga cagaaran ee dalka Sweden, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garowe masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo Madaxtooyadda.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ayaa la xiriirta qeybinta deeq cunto ah oo la gaarsiinayo qoysas ku nool gobolo ku yaala dalka Soomaaliya, wuxuuna todobaadkii lasoo dhaafay deeq gaarsiiyay qoysas iyo dad danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir iyo Shabellaha dhexe.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa Gudoomiye Mursal Ciise iyo Xildhibaan Cabdi Said Samatar (Surcad) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland inay deeq raashin ah gaarsiiyaan qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan Gobolka Nugaal sida Yoonbeys, Awrculus iyo Dudumaale.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ayaa deeqda ka timid dalka Sweden lagu wadaa inuu gaarsiiyo deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu socdaal ku yimaado magaalada Garowe Gudoomiyaha Gobolka Dalarna ee dalka Sweden.

Abshir Dhiirane
PUNTLND POST