Xildhibaanada Baarlamaanka oo Kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista  Xildhibaanadii doorashadi ay kusoo baxeen ay laashay Maxkamadda Sare ee dalka, kuwasi oo haatan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay kulanka maanta uu ugu muhiimsan yahay ka doodista Xildhibaanada la laalay doorashadii ay kasoo baxeyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Dalxa in Xildhibaanada ay sidoo kale ka doodi doonaan Hindise Sharciyeedka isgaarsiinta dalka oo dhawaan ay soo gudbiysay wasaaradda Boostadda iyo Isgaarxiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa hory u amartay in dib loogu laabto doorashada 11-kursi oo kamid ah kuraasta lagu soo doortay Xarumaha maamul Goboleedyadda dalka, waxayna maxkamadda sheegtay in si musuq-maasuq ah lagu soo saaray.

Kuraasta shan ka mid ah waxaa laga soo doortay Koonfur Galbeed, Puntland iyo Hirshabelle waxaa lagu celiyay min labo kursi, Maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudugna waxaa lagu celiyay min hal kursi.

Xubnaha la diiday doorashadii ay kusoo baxeyn waxaa kamid ah Wasiirkii Hore ee dhalinyararadda iyo ciyaaraha Xukuumaddii Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke,wasiir Nuur, iyo Muna Key, iyo xildhibaanada Shaacir oo jubba-land laga soo doortay.

PUNTLAND POST