Wafti heer Qaran ah oo Garowe u tagay shir Aayaha dhalinyarada Soomaaliyeed

Waxaa maanta soo gaarey magaalada Garowe wafti ay hogaaminayso Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo Xubno ka tirsan Xukuumada iyo goloyaasha xiriirka kubadda cagta Puntland, Ururada dhalinyarada gobolada Puntland iyo Xubno ka tirsan Ururudada haweenka waxgarad iyo kooxaha kubada cagta ee ka dhisan magalada Garowe.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiirada Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Wafuud kale oo la filayo maalinta beri ah inay uga qeybgalaan magaalada Garowe shir looga arrinsanayo Aayaha iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasaiirka Shaqada iyo Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamay socdaalka waftiga heerka qaran iyo maamul goboleed ee maanta soo gaarey magaalada Garowe inuu la xiriiro ka qeybgalka Shirkaas looga arrinsanayo arrimaha dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa isdhexgalkooda.

Dhinaca kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay dadkii kusoo dhaweeyay magaalada Garowe, waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay ka qeybgalka shirka looga arrinsanayo arrimaha dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Waa socdaalkeedii ugu horeeyay oo ay ku timaado GAROWE Wasiir Khadiijo tan iyo markii loo magacaabay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, wallow safaro kan ka horeeyay horey ay ugu tagtay deegaanada maamulada dalka ka jira,waxaana lagu wadaa inay maalinta beri ah magaalada Garowe ku daahfurto shirkan looga arrinsanayo dhalinyarada .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST