Maxkmada Sare oo ka soo horjeeysatay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya

Maxkamadda sare ee Somalia iyo Golaha shacabka ayaa xiligaan isku qilaafsan sida laga yeelaayo 8 kursi oo muran ku jiro oo aqalka hoose ka tirsan.

Baarlamaanka ayaa maanta diiday go’aan ay maxkamadu horey u gaartay oo ahaa in kuraastaasi aaney sharci aheyn dibna loogu laabto doorashadii ay kusoo baxeyn, balse wax yar uun kadib waxaa qoraal soo saartay maxkamadda sare  ee dalka kaas oo liddi ku ah mowqifkii maanta ee Baarlamaanka Soomaliya ay ka gaareen kuraastii lagu murasanaa.

Bayaanka maxkamadda sare ayaa qeexaya iney sidoodii u dhaqan galaayaan labadii go’aan ee Maxkamadda sarre iyo Xeer ilaalinta Qaranka ee soo baxay bilihii Janaayo iyo May ee ku aadanaa In dib loogu laabto doorashada.

Hoos ka Aqriso Bayaanka Maxkmada 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho