Maxaabiis Caawa laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho

Goordhow oo caawa ah ayaa garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo caga dhigtay Diyaarado sida Maxaabiis laga keenay dalka Itoobiya.

114- Maxaabiis oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dambeeysay imaatinkooda heshiis uu Ra’isilwasaaraha Soomaaliya la soo galay dowlada Itoobiya.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay  Maxaabiista xubno ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ehalada dadkaasi oo garoonka ku sugayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhalinyaradaasi u diyaarisay gawaari geeysa goobaha ay daganyihiin ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho