Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay

Madaxii booliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa iscasishay ka dib markii mid ka mid ah booliiska gobolka uu toogasho ku dilay haweenay aan hubaysnayn oo u dhalatay dalka Australia.
Justine Damond ayaa la dilay todobaadkii aanu soo dhaafay ka dib markii ay booliiska wacday si ay ugu wargaliso haweenay ka qaaylinaysay meel dibadda ka ah gurigeeda oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa ku eedeysay Taliyaha Booliska magaalada inay lumisay kalsoonidii dadka Minneapolis oo aanay hoggaamin karin booliska, sidaas darteed ay xilka iska casisho.

Geerida haweenaydan lagu magacaabo Ms Damond ayaa waxa ay caro ka dhalisay dalkeed, waxaana raisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull uu ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh.

Ninka Soomaaliga ee lagu eedeeyay inuu dilka geystay oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa wali wax war ah ka bixin tan iyo markii uu dhacay shilkaas, iyadoo wali ay socdaan baaritaanada la xiriira dilkan.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post