Baarlamaanka Soomaaliya oo laalay Go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu noqdo 8 Kursi


Xildhibaanada Golaha shacabka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka, kaasi oo ku saabsanaa in dib loogu laabto doorashada Sideed Kursi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal ka soo bxay Maxkamadda sare ee Soomaaliya, kuna taariikheysnaa 16-kii bishii May ee sanadkan ayaa lagu sheegay in dacwad socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaran iyo Guddiga Hirgalinta Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay Sideed Kursi oo ka maid ahaa 11-kii Kursi ee Guddiga xalinta khilaafaadka horey u laalleen.

Sidoo kale Xildhibaanda Golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay qarar ku saabsan mudo xil heynta xubnaha Golaha shacabka oo ah 2016-ka ilaa 2020-ka iyo buuxinta kuraasta banaanaata.

Kulanka Baarlaamnaka ee maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaanada ka hor aqriay qodobadii ka soo baxay kulankaas.

Hoos ka dhageyso qodobada

PUNTLAND POST