Dagaal maalintii labaad ka socda Xeraale

Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo u dhexeeya Ahlusunna Waljamaaca iyo maleeshiyo beeleed deegaanka ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad hor u dhaafaya 40 ruux, waxaana dhaawacyadaas loo qaaday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaankaas oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna WaJamaaca oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolada dhexe iyo meeshiyada deegaankaas oo diiday in ay ka amr qaataan maamulka Ahlusunna.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo yaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas,waxa uuna intaas ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaadaas.

PUNTLAND POST