Daacish oo dilay shaqaale ka tirsan shirkadda Golis

Daacish ayaa Xalay seqdii dhexe dilay mid kamid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Golis ee tuulada Beel-wacatay ee gobolka Bari.

Dilka ninkan ayaa yimid sida dadka deegaanku u sheegeen PUNTLAND POST kadib markii dagaalyahano ka tirsan Daacish ay amar ku siiyeen in uu damiyo Ateenada shirkadda Golis ee deegaankaas, balse uu ka amar diiday sidaasna ay ku dileen.

Daacish ayaa dilka kadib jaray Isgaarsiintii deegaanka Beel-wacatay, waxayna sidoo kale xalay jareen Isgaarsiinta deegaano badan oo ka tirsan bariga fog ee gobolkaas.

Kooxda uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin oo sheegta in ay ka tirsan yihiin Daacishta ka dagaalanta bariga dhexe ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac u geysta shacabka ku nool deegaanada fog ee gobolka Bari.

Daacish ayaa 26-kii bishii October ee sanadkii hore la wareegtay degmo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, balse ciidamada Puntland ayaa muddo bil ah kadib dagaal uga saaray.

PUNTLAND POST