Wasiirka Haweenka Puntland oo furtay kalfadhiga 15aad Gollaha Deegaanka Dongoroyo

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Marwo Aniiso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta furtay kalfadhiga 15aad ee gollaha deegaanka Degmada Dongoroyo ka dib markii ay caasumaad ka heshay maamulka Degmada.

Xoghayaha Degmada Dongoroyo ayaa uga mahadceliyay Wasiir Aniiso Cabdulqaadir ka qeybqaadashadii ay uga qeyb qaadatey xilligii abaaraha taakulaynta qoysaska reer miyiga, wuxuuna sheegay in Wasiir Aniso raashin ka qeybisay magaalooyinka Baqbaq,Uusgure,Qundheed iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Xoghayaha maamulka Dowlada hoose Dongoroyo ayaa sheegay in Wasaaradda Haweenka Puntland mashaariic horumarineed ka wado Degmada Dongoroyo, Islamarkaana ay Wasiir Aniso Xaaji Muumin abaal badan ku leedahay bulshada ku dhaqan degmada Dongoroyo.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga gollaha masuuliyiin ka socda maamulka Gobolka Nugaal iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST