Lacagta Shilinka Somaliga oo laga diiday magaalooyinka ku yaala Puntland

Garowe(Puntland Post)-Wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ee xarunta Gobalka mudug ayaa sheegaaya in maanta gabi ahaanba ganacsatada magaaladaas ay diideen inay maciishadooda ku bedeshaan lacagta Shillinka Soomaaliga, waxayna sheegeen inay wax ku iibsanayaan oo kaliya lacagta Dollarka maraykanka.

Sidoo kale magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa gabi ahaanba laga diidey lacagta duuga ee Shillinka Soomaaliga, waxaana wax lagu iibsanayaa oo kaliya lacagtii ugu danbaysay ee ay dhawaan soo daabacday Dawlada Puntland.

Waxaa suuqyada magaalada Garowe lagu arkayaa dadweynaha iyo ganacsatada oo kala guraaya lacagta si ay u kala saaraan lacagta cusub iyo tan duuga, waxaana arintan cabasho xoogan ka muujiyey Dadka danyarta oo sheegaya inay arintani khatar ku tahay nolol maalmeedkooda.

Diidista lacagta Soomaaliga ayaa kusoo aadaysa xili waayadii danbe sacir barar baahsan uu ka jiray degaanada Puntland, waxaana la filayaa inay arintani dabka kusii shidi doonto sicir bararkii horayba Dalka uga jiray.

Dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale lacagta Soomaaliga looga diiday qaybo kamida koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST