Faah Faahin: Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Xeraale

Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso Degmada Xeraale ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeya Dhinacyada Gal-Mudug iyo Maamulka Ahlusuno.

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii mid kamid ah dhinacyada dagaalamay uu si gaadmo ah ku dileen ilaa 4 ruux taasi oo keentay in dagaalka uu qarxo.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid aad u cuslaa islamarkaasina uu geeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 10-ruux oo dhinacyada dagaalamay ah  waxaana lagu soo waramayaa in qasaaraha laga yaabo in intaasi uu ka badanyahay.

PUNTLAND POST ayaa isku dayday in ay la xiriirto dhinacyada dagaalamaya hayeeshee waa ay inoo suurtagali weeysay in aan taleefonka ku haleelno.

Baryihii ugu dambeeysay xiisado u dhaxeeya Ahlusunna iyo Maamulka Gal-Mudug Ayaa ka taagnaa degmadaasi.

Waxaa isi soo taraya baaqyada nabada ah oo loo dirayo dhinacyada Gal-Mudug iyo Ahlusunnah oo lagu baaqayo in ay joojiyaan dirirtaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho