Wafti ka socda Puntland oo booqday degmada Jariiban ee gobolka Mudug

Wafti uu hogaaminayo wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa booqasho kutagay degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana ay sidoo kale waftigu booqdeen deegaano hoosyimaada isla degmadaas iyagoo soo arkay adeegyada kaladuwan ee dawliga ah ee bulshada loo hayo, nolosha dadka deegaanka iyo xaaladaha nololeed ee dadka deegaanka.

Waftiga ayaa sidoo kalena furay xafiis cusub oo ay wasaarada Deegaanku ka samaysay degmada Jariiban ee gobolka Mudug kaasoo ka shaqayn doona ilaalinta Deegaanka, dhiirigelinta beerista dhirta, dhiraynta degmada Jariiban iyo ilaalinta Duurjoogta.

Waftigu waxay ugu horayn booqdeen deegaanka Sallax ee degmada Jariiban halkaas oo ay kula kulmeen bulshada deegaanka waxaana ay meel fagaare ah kala hadleen dadka deegaankaas kuwaas oo ay ku kala xog qaateen xaalada nololeed ee dadwaynaha iyo arimaha dalka kajira, waftigu sidoo kale waxay soo booqdeen deegaano kale iyagoo ugu danbayntiina tagay xarunta degmada Jariiban.

Waftiga ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kaladuwan ee ay ka koobantahay magaalada Jariiban waxaana ay sidoo kale xariga ka jareen xafiiska wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo laga dhisay halkii horey u ahaanjirtay xafiiska Wakaalada daaqa Qaranka ee degmada Jariiban, waxaana furitaankii xafiiska cusub ee wasaaradu ay ku yeelatay degmada Jariiban ka qaybgalay qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo masuuliyiinta magaalada Jariiban kuwaas oo soo dhaweeyey waxqabadka wasaarada deegaanka ee degmada Jariiban iyagoo sheegay in ay xafiiska cusub si dhow ula shaqayn doonaan islamarkaasna qaybaha kale ee dawladana waxay ugu baaqeen inay iyana xafiisyadooda ka fuurtaan degmada.

Wasiirka Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo halkaas ka hadlay ayaa sheegey in loo baahanyahay dadka deegaanku inay isku tashadaan islamarkaasna danta guud ay si iskaa Wax u qabso ah uga shaqeeyaan si ay isku filaansho u gaaraan.

PUNTLAND POST