Maxay tahay sababta Baarlamaanka Puntland u kala diray Golaha Xukuumada?

Shacabka Puntland ayaa subaxnimadii hore ee 18 July ku waabariistay go’an ka soo baxay Baarlamaanka Puntland, kaas oo ay ku sheegeen in ay xasaanaddii kala laabteen dhamaan xubnaha Golaha Xukuumada Puntland.

Warbaahinta Puntland Post oo arimahaas si hoose ula socotay ayaa ogaatay in arintan ay ku timid khilaaf ka dhashay markii Baarlamaanka Puntland uu lacag dhan 5 Milyan oo doolar waydiistay Madaxwayne Gaas si ay u ansixiyaan heshiisyada Mashaariicda horumarinta Dekadda Bosaso, dhismaha Airport-ka Galkacayo iyo dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiri doonta Garowe iyo Eyl, waxayna ku hanjabeen in ay kala dirayaan Golaha wasiirada Haddii aan lasiin lacagtaas.

Xubnaha Baarlamaanka iyo diyaargarowgoodii

Tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Balaarinta dekadda Bosaso waxay xubnaha Baarlamaanku u tooga hayeen in ay lacagta Imaaraadka ay qayb ka helaan wadadii ay doonaanba ha u mareene, waxayna iska xuleen guddi ka kooban 10 xubnood si ay wada hadal ula galaan madaxwayne Gaas ugana soo qaadaan lacag laaluush ah oo dhan 5 Milyan oo Doolar.

Xogta ay Puntland Post soo heshay ayaa sheegaysa in Gudigaasi uu madaxweynaha Puntland la kulmay 2 jeer, marwalbana uu wadahadalkaasi guul daro ku dhamaaday. Madaxweyne Gaas ayaa marwalba ku adkaysanayey in lacagta uu u qorsheeyey in uu ku bixiyo mashaariic horumarineed sida 2.5 Milyan Doolar Dhamaystirka Airport-ka Garowe, 1 Milyan oo Doolar dhamaystirka Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, 1 Milyan oo Doolar dhamaystirka Dhismayaasha madaxtooyada Garowe iyo Galkacayo, 2 Milyan oo Doolar burburinta iyo diyaarinta dhulka dekadda Bosaso lagu balaarinayo. Lacagta inta kale waxaa loo qorsheeyay in Puntland ay ku maalgeliso Ciidamadeeda oo abaabul dagaal ugu jira sidii ay buuraha gobolka Bari uga sifayn lahaayeen xubnaha Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Gaas oo Laaluush diiday

Madaxayanaha ayaa diiday in uu 5 Milyan oo laaluush ah uu bixiyo si loo ansixiyo mashaariicda, waxuuna ku booriyay Baarlamaanka in ay shaqadooda dastuuriga ah qabsadaan, taas oo ah middii ay ku dhaarteen in danta guud ee dalka ay ka horumariyaan tan gaarka ah, taasna waxay sababtay in gudigii xanaaqo.

Wadatashi

Gudigii waxuu jawaab ku celiyaya baarlamaanka intiisa kale waxayna u sheegeen in Madaxwayne Gaas uu diiday lacagtii. Falanqayn badan kadib waxay kala doorteen in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay xasaanadda ka qaadaan iyo in Golaha xukuumadda ay kala noqdaan xasaanadda, Xubnaha badankood waxay soo jeediyeen in tan dambe ay fududahay, waana isku raaceen.

Warbaahinta

Fiidnimadii isniintii 17/07/2017 waxay xubnihii gudigu balansadeen warbaahinta in Beri subax 18/07/2017 ay soo xaadiraan hoolka baarlamaanka Puntland, Go’aanku waa cadyahay “Waxaan ridaynaa Golaha Xukuumadda Dhamaantood”. Puntland Post wuxuu ka mid ahaa warbaahintii la soo wacay, waxaana xubanaha baarlamaanka laga dareemayey sida ay uga dhab tahay in ay Beri samayn doonaan arin weyn.

Xasaanad kala noqosho

Subaxnimadii Talaadada 18/07/2017 xubnihii baarlamaanka oo caraysan waxay gacanta u taageen in xukuumadda xasaanadda laga la noqdo, waxayna ugu codeeyeen 44 cod oo ogolaaday in xukuumadda la rido, Baarlamaanka Puntland ayaa dhan 66 xubnood.

Arinkaan ayaa fajiciso iyo yaab ku noqtay dadka iyo waxgaradka Puntland waxayna layaabeen hunguri xumada iyo masuuliyad darada xubnaha Baarlamaanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland

Baarlamaanku waa golaha xeer dejinta iyo la xisaabtanka xukuumadda, waana hay’adda ugu saraysa haykalka Puntland. Waxay metelaan qof walba oo reer Puntland ah, xubin walba oo iyaga ka mid ahna waxaa laga soo doortaa deegaan. Waxqabadkooda lagama dareemo deegaanada laga soo doorto, waxaa dhaqdhaqaaqooda la dareemaa marka ay qof u wadaan madaxweynaha ama mas’uul kale si ay ugala hadlaan arin shaqsi. waxaa badan xubno aan weligood tegin degaanada ay metelayaan iyo kuwo kursiga ku fadhiya 19 sano.

Xubnaha loo dooranayo ka mid noqoshada Baarlamaanka Puntland waa in aan mardambe lagu ilduufin, laguna soo xulaa aqoontooda, kartidooda, dhaqankooda wanaagsan iyo alle ka cabsigooda. Waana halka aan isbedelka dhamaanteen doonayno ka bilaaban karo.

DAAWO SIDA CODBIXINTU U DHACDAY

PUNTLAND POST
GAROWE, PUNTLAND