Hanti dhawrka Puntland oo qafil saaray dhamaan khasnadaha Dowlada

Qoraal kazoo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Dowlada Puntland ayaa lagu xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqa khasnadaha ama Accounada Wasaaradaha ka dib markii shalay gollaha Baarlamanka Puntland xasaanadii kala noqdeen gollaha Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Saraakiil ka tirsan Hanti dhawrka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa u xaqiijiyay in la xanibay dhamaan Accounada dowladu ku leedahay Bangiyadda ilaa amar dambe inta uu Madaxweynaha Puntland kazoo dhisayo golle Xukuumadeed.

Talaabada lagu xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqyada hay,addaha Dowlada ayaa qeyb ka noqonaysa mid ka mid ah qodobada dastuuriga shuruucda u taala Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST