Australia oo ka hadashay Haweeney dilkeeda lagu eedeeyay Sarkaal Soomaali Mareykan ah


Dowladda Australia ayaa Mareykanka ka dalbatay in ay faahfaahin dheeriya ka bixiyaan dil haweeney udhalatay dalkaasi loogu geystay magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Malcolm Turnbull Ra’iisal wasaaraha dalka Australia oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay qunsulka guud ee Australia ee magaaladda Chicago in ay wax ka waydiiyaan Mareykanka dilka haweeney dalkaasi udhalatay oo lagu dilay gurigeeda .

Ra’iisal wasaare Turnbul ayaa dilkaas ku tilmaamay mid argagax leh, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar inla toogto.

Justine Damond oo 41 jir ahayd asal ahaan ka soo jeeda magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis, ka dib markii ay iyadu u yeertay Booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Maamulka Minneapolis ayaa dilka haweenaydaas ku eedeeyay labo Sarkaal oo mid ka mid ah uu yahay Maxamed Nuur oo Soomaali Mareykan ah.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu eedeeyey Maxamed Nuur.

PUNTLAND POST