AC Milan oo wacdaro ka dhigtay suuqa iibsiga ciyaartoyda

Kooxda kubadda cagta dalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa ganacsi layaableh ka wada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, kadib markii uu kooxdaas la weegay Milkiilaha cusub ee reer China Yonghong Li.

AC Milan ayaa ilaa hadda soo iibsatey 9 cayaartoy oo muhiim ah, waxayna ku bixisay qiime lacageed oo dhan 209.5 Milyan oo Euro, iyadoona weli ugaarsanaysaa laacibiin qaali ah.

9-ka ciyaartoy ee Milan soo iibsatay

Saxiixii ugu horeeyay ee Milan samaysay ayaa ahaa  Mateo Musacchio, kaas oo ay Villarreal kagala soo wareegtay 15.8 Milyan oo gini, halka Andrea Conti uu San Siro ugu soo biiray 21.25 Milyan oo gini waana mid ka mid ah saxiixyada ugu muhiimsan ee ay Milan sameysay.

Sidoo kale AC Milan ayaa la soo wareegtay difaacii bidix ee kooxda Wolfsburg ee  Ricardo Rodriguez, kaas oo ay 15 Milyan oo gini ka soo bixisay balse waxay lacag aad u badan ku kharash garaysay Andre Silva oo ay 35 Milyan oo gini kaga soo qaadatay kooxda FC Porto.

Laakiin xidiga la filayo in uu saamayn layaableh ku samayn doono Milan ayaa ah xidiga ree Turkey ee Hakan  Calhanoglu, kaas oo Milan ugu soo biiray 18.70 Milyan oo gini, halka ay 6.8 Milyan oo gini ka soo bixisay xidiga  Franck Kessie, kaas oo isna qayb ka ah ololaha isbadalka looga samaynayo Milan, sidoo kale waxay heshiis amaah ah kula soo wareegtay Fabio Borini..

AC Milan ayaa wacdarihii ugu darnaa dhigtay markii ay si lama filaan ah ula soo wareegtay difaaca dhexe ee birta ahaa ee Jeventus Leonardo Bonucci  oo waqti dheer ay doonayeen kooxaha Premier Leaque-ga waxayna ka soo bixisay 40 Malyan gani, halka laacibkii ugu danbeeyay ee ay la soo wareegtay uu ahaa Lucas Biglia oo ay ka soo bixisay kharash dhan 20 Milyan oo gani.

Milkiilaha cusub ee AC Milan Yonghong Li oo taariikh cusub ka dhigay kubadda cagta markii uu sandkii Kowaad lacagtii ugu badnayd ku kharash gareeyay suuqa iibsiga ciyaartoyda ayaa sheegay in ay iyaga oo xoogan dib ugu soo laabanaynaa Talyaaniga iyo Yurub, waxaana uu intaas ku daray in ay ka yaabin doonaan taageerayaashooda.

Mulkiilaha AC Milan Yonghong Li

Dhanka kale Marco Fassone oo ah guddoomiyaha cusub ee AC Milan oo hoowsha hadda  kala wada ayaa isna sheegay inay ciyaartoy badani soo wacayaan kuwaa soo wax ka waydiinaya mashruuca cusub ee AC Milan, isagoo intaas ku daray inay doonayaan inay kordhiyaan dakhliga kooxda ee dalka China.

AC Milan oo kamid ah kooxa ugu waaweyn Yurub ayaa muddo Seddex sano ah ka soo qeyb galin tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga, iyadoo ah kooxda labaad ee ugu guulaha badan tartankaas, waxayna haadan doon aysaa in ay dib ugu soo laabto maqaamkii ay ku lahayd Yurub.

Ugu danbeytii AC Milan ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda ay la soo wareegto ciyaartow kale oo caan ah.

PUNTLAND POST