Wasaarada Deegaanka Puntland oo Biyo-xireen cusub ka dhagax dhigtay Deegaanka Raydable

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd samaynta Biyo-Xireeno waawayn ayaa biyo Xireen cusub ka dhagax dhigtay Togga Qowl oo kuyaala deegaanka Raydable oo ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Dhagaxdhiga togga Qowl waxaa ka qaybgalay qaybaha kaladuwan ee bulshada, Madaxda dawlada Puntland, Odayaasha dhaqanka, agaasimeyaal katirsan wasaarada Deegaanka iyo maamulka degmada Jariiban.

Wasaarada Deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbaysay ka shaqaynaysay dhisitaanka Togga Qowl iyadoo uu biyo Xireenkani soo maray marxalado kaladuwan oo Sahmin iyo baaris isugu jira.

Toggan ayaa buuxiyey Shuruudihii ay wasaaradu ku xulanaysay dhisitaanka Biyo Xireenada iyadoo la filayo in biyo xireenkani uu ka koobnaado labo qaybood islamarkaasna labo meelood oo kaladuwan laga xiro Togga taas oo macnaheedu noqon doono in Biyo-xireenkani uu qaban doono biyo badan oo sanadwalba khasaari jiray.

Maamulka degmada Jariiban, Odayaasha dhaqanka ee Deegaanka iyo maamulka degaanka Raydable oo ka hadlay dhagax dhigii Dhismaha biyo Xireenka cusub ayaa uga mahadceliyey wasaarada Deegaanka sida ay xilka wayn isaga saartay baahiyaha bulshada gaar ahaana dhanka Biyaha.

Waxayna balanqaadeen inay garab istaagi doonaan dhismaha Biyo Xireenka islamarkaasna marka la dhameeyo Biyo Xireenka ay ilaalin doonaan nadaafadiisa iyo habsami u socodka shaqada Biyo Xireenka.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursada wasaarada ee ah in biyo xireen deegaankooda loogu keenay.

Wasiirka ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay Siyaasada wasaarada ee ah in laga baxo Oonka islamarkaasna ay bulshadu isku filnaansho buuxa ka gaarto dhanka biyaha iyo guud ahaanba kaabayaasha nolosha, Wasiirku wuxuu sheegey in Biyo-xireenka.

Sidoo kale looga faa’iidaysan karo in laga sameeyo deegaanka kudhow Beero lagu beero qaybaha kaladuwan ee Qudaarta.​

GAROWE.

PUNTLAND POST