Shacab ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday Baardheere

Baardheere[Puntland Post]Wararka ka imanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,ayaa sheegaya in halkaas saaka la duqeeyay isla markaana ay dad ku dhaawacmeen.

Qof ka mid ah Dadka degaanka ayaa sheegaya in Xaafadaha kala ah; Horseed, Masaba iyo Kurman ay ku dhaawacmeen Dad rayid ah oo ay ku jiraan 4 Qof oo isku qoys ah.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi); ayaa sheegay in Madaafiicdaas ay ku dhaawacmeen 7 Qof oo labo ka mid ah ay xaaladdoodu halis tahay.

Ciidamada Dawlada ayaa hawlagalo kala duwan xiligan ka wada goobtii madaafiicda laga soo tuuray.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post 

Cabdiqani Boos

Puntland Post