Dibadbax lagu Diidan yahay canshuurta oo Itoobiya ka dhacay

Waxaa jira warar sheegaya in milatari iyo booliis loo daad gureeyay qaybo ka mid ah gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay halkaas ka dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay canshuuro cusub oo dhawaan lagu soo rogay ganacsiyada.

Wargayska Addis Standard ayaa sheegay in dadka degan magaalada Ambo ay todobaadkii hore waxyeelo u gaysteen labo gaadhi oo ay dawladdu leedahay toddobaadkanna ay magaalooyinka kale billaabeen in ay ganacsiyada xiraan iyaga oo mudaaharaadaya.

Canshuurtan cusub ayaa la saaray ganacsiyada yaryar iyaga oo sannadkiiba laga rabo 100,000 birr ama 4,300 oo doolar, arrintaas oo ah dadaal ay dawladdu ku doonayso in ay ku hesho dhaqaale ay aad ugu baahan tahay.

Wargaysku wuxuu soo xigtay gabadh timo jare ah oo laga dalbaday in ay bixiso 400 oo doolar taas oo aan ka yarayn waxa ay sannadka oo dhan hesho.

Dawladdu waxay sheegtay in uu jiro is fahamdarro ku aadan canshuurah ayna isku dayayso in ay wax ka qabato arrintaas.

Sannadkii hore gobolka Oromada ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo badan oo dawladda lagaga soo horjeeday kuwaas oo hordeesay in dalka lagu soo rogo xaalad degdeg ah.

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ