Xeer ilaaliyaha Qaranka:-“Xildhibaanada Kuraastooda lagu muransan yahay dib haloogu laabto”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ku baaqay in lagu laabto doorashada 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu muranka ka taagan yahay.

Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada 8-da ah looga bahan yahay in ay tixgaliyaan go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka, islamarkaana ay ogolaadaan in doorashadooda dib loogu laabto, si meesha loogu saaro muranka ka taagan sida ay uga guuleysteen kuraasta.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir  ayaa arin fool-xun ku sheegay in laga talaabo amarka Maxkamadda waxa uuna carabka ku dhuftay in Guddoomiyaha Maxkamada uusan ka libiqsan go’aankiisa isla markaana fuliyo.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Guddoonka Sare ee baarlamaanka in ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay banaanka usoosaaran Xildhibaanada qaabka khaldan ku fadhiya Kuraasta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho