Garowe:- Baarlamanka oo maanta ku dhaliilay Xukuumadda Amniga Puntland

Baarlamanka Puntland oo weli ku jira ka doodida Ajandayaasha kalfadhiga 39aad ayaa maanta dood adag ka yeeshay xaalada guud ee Amniga Puntland, Waxayna ku dhaliileen Xukuumadda inay ku fashilantay sugida Amniga, Bixinta xuquuqda ciidamada iyo inay qorshe dhamaystiran u dejiso Amaanka Puntland.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa qodobada sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii Af urur, Dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada qaar ka mid ah magaalooyinka iyo Gadoodka ciidamada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa si kulul ugu dhaliilay Xukuumadda uu hogaaminayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inay ka gaabisay bixinta mushahaarooyinka ciidamada oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka jireen cabashooyin iyo wax qabad la,aan xaalada guud ee Amniga.

Dhinaca kale Mudanayaasha Baarlamanka ayaa ku amaanay dhamaan ciidamada Booliska iyo kuwa Milatry-ga inay yihiin kuwo habeen iyo maalin heegan buuxa ugu jira Amniga meel kasta oo ay kala joogaan xitaa iyaga oo aan helin mushahaar iyo xuquuq kale.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST