Faransiiska oo diidan dhismaha Israa’iil kawado dhulka Falastiiniyiinta


Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo maanta magaalada Paris ay kulan ku wada yeesheen Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu ayaa sheegay in dib loo bilaabo wadaladii Israa’iil iyo Falastiin.

Madaxweyne Macron ayaa sheegay in Faransiisku ka soo horjeedo dhulka Falastiiniyiinta ee Israa’iil ay sida sharci darada ah ay degmooyinka uga dhistay dadka Yahuuda ah, wuxuuna intaas raaciyay in cidwalba ay xushmayso qawaaniinta caalamka u yaal.

Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Macron waxa uu sheegay in amniga Israa’iil uu ku jiro xalka labo dal oo daris ah oo nabad kuwada nool.

Ra’iisul wasaarha Israa’iil Benyamin Netanyahu ayaa isna sheegay in kooxaha Islaamiyiin ay doonayaan in ay burburiyaan Israa’iil iyo Yurub.

Dhanka kale Israa’iil ayaa maanta dib u furtay Musjidka Al-Aqsa oo aan Jimcihii la soo dhaafay lagu tukan, kadib qalalaase ka bilowday laba askari oo booliska Israa’iil ah oo ay toogteen dabley la sheegay in ay u dhasheen Carab oo iyana markii dambe dilay.

Qalalaasaha ka dhashay xiritaanka Musjidka Al-Aqsa ayaa ah kii ugu darnaa oo ka dhaca magaalada Qudus, wuxuuna sare uqaaday xiisada ka dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin.

PUNTLAND POST