DAAWO Baarlamanka Puntland oo maanta dood adag ka yeeshay sugida Amniga.

Baarlamanka Puntland oo maanta dood xasaasiya ka yeeshay Ajande looga hadlayo Amaanka Puntland waxay in ka badan 20 Xildhibaan oo ka hadashay madasha kalfadhiga ku eedeeyeen Xukuumaddu inay ku fashilantay dhawr qodob sida bixinta dhaqaalaha Amniga lagu sugo,Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la,aan ka jirta xaalada guud ee Amaanka.

Mudanayaal ka tirsan Gollaha Shacabka Puntland ayaa ka horjeediyay fadhigii maanta in xasaanada ama kalsoonida laga qaado Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Kuxigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ka dib markey ku eedeeyeen inay ku fashilmeen amniga gudaha iyo kan xuduudaha.

PUNTLAND POST ayaa soo gudbinaysa muuqaalka qaar ka mid ah doodii maanta ee Xildhibaanada Puntland kazoo jeediyeen xarunta Gollaha Shacabka Caasimada Puntland magaalada Garowe oo uu weli ka socdo kalfadhiga 39aad ee Baarlamanka Puntland.

DAAWO.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST