Madaxweyne Farmaajo oo ku soo wajahan Puntland Dhamaadka Bishan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan soo garo Deeganada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadiisa waxaa ay ku began tahay xuska aas aaska Puntland oo ay ka soo wareegtay 19 Sano,waxaana uu ku beegan yahay 1da Bisha August ee Sanadkan Sida ay Puntland Post wararka ku helayo

Amniga guud ee degaannada Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxana  socdo  dhaq dhaqaaqa u diyaargarowga xuska sanadguurada 19aad ee Aas aaska Puntland iyo u diyaar Garawga Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha soomaliya ayaa la filayaa marka uu yimado Puntland oo uu Booqdo Xarumaha kal duwan Ee Maamulka Puntland uu ku shaqayo  isagoona kulamo la Yeelan doona Bulshada Reer Puntland sida uu Qorshuhu Yahay waana safarkiisii ugu horeyey oo uu Puntland ku yimado Tan iyo Markii la doortay.

Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan booqday magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa ballan qaaday in uu tegayo dhamaan Xarumaha Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa uu horay u tagay Magaalooyinka Baydhaba iyo Cadaado,waxaana u dhiman Puntland oo uu dhamaadka Bishan uu ku soo wajahan Yahay iyo Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Maamulka ugu yar dowlad Goboleedyada ee Hirshabeelle.

Cabdiqani Boos

Puntland Post   Bosaso.