Baasaboorka Mideysan ee Afrika oo Sanad Jirsaday Maanta

Baasaboorka mideysan ee Qaaradda Afrika ayaa maanta waxa ka soo wareegtay Hal sano markii ay adeegsigiisa isku raaceen Madaxda Afrika oo shir madaxeedkoodii 27-aad ee Kigali ka dhacay Sanadkii hore.

Shirkii Kigali ee dhacay July 2016kii ayaa la iskula qaatay in la sameeyo Baasaboor mideysan oo ay yeelato Qaaradda Afrika.

Madaxdii ugu horreysay ee qaatay Baasaboorka ayaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame,oo shirkaas marti gelinayay iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Chad Idris Deby.

Qaadashada Baasaboorka Qaaradda Afrika ayaa la isku raacay in ay billaabato Sanadka 2018ka ka horna qeybtiisa Diblomaatigga la siiyo Madaxweynayaasha AFrika,Wasiirrada arrimaha dibadda iyo diblomaasiyiinta sar sare.

Wali lama sheegin Dal ka mid ah Afrika oo billaabay hanaanka soo saaridda Boosaboorka Qaaradda Afrika,waxaana ay dood ka taagan tahay qaabka loo qaadanayo,Tirada Waddamada laga furayo xafiisyada bixinta Baasaboorrada iyo Fiisaha Afrika.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post