Taliyaha Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in la qaadi doono howlgal lagu furaayo Jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Baydhabo ay go’doomiyeen dagaalyahanada Al-shabaab ee ku yaala Gobolada Baay iyo Banaadir.
Jeneraal Subagle Taliyaha Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa intaas ku daray in howgalka uu dhowaan bilaaban doono, islamarkaana AMISOM iyo ciidamada dowladda ay u diyaar garoobeen dagaalka Al-shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan lala galaaayo.
Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur SubagleJeneraal Subagle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Baydhaba isagoo ugaqaybgalay isbeddelka ciidamada AMSIOM ee dalka Itoobiya.
Jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ayaa si joogto dagaalyahanada Xarakada Alshabaab uga howlgalaan iyadoo weerarro iyo afduubyo ka fuliya, dhawaan taliska AMISOM waxa uu sheegay in jidkaas uu yahay halka lagu laayo Ciidamada.
PUNTLAND POST