Al-shabaab oo Shaqaale gargaar ku haysta Gobolka Bay

Al-shabaab ayaa waxaa wali gacanta ugu jira 7 shaqaale gargaar ah oo ay Sabtidii ka afduubeen duleedka degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, kadib markii ay kala dageen gaari ay saarnaayeen.

Shaqaalaha oo dhamaantood Soomaali ah ayaa u shaqeynayay Hay’ad maxali ah oo fadhigeedu yahay Baydhabo laguna magacaabo Career, taas oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka.

Todobada shaqaalaha ah ayaa Shan ka mid ah ay yihiin Rag, halka labada kalana ay yihiin Dumar, waxaana la sheegay in Al-shabaab ay ku haystaan shaqaalahaas deegaanka Dalandoole oo ka tirsan Gobolka Bay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay shaqaalahaas ka dalbadeen lacag madax furasho ah, inkastoo aan wararkaas si dhaba loo xaqiijin.

Al-shabaab ayaa deegaanada ay ka joogaan Koofurta Soomaaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya arrimaha Bini’aadinimada.

PUNTLAND POST