Adeegii Internet-ka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo dib u soo laabtay

Waxaa goordhow dib usoo laabtay adeegii internet-ka Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaaliya oo maqnaa muddo ku dhow 30 cisho.

24-Kii June ayuu marqura la waayay internet-ka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kadib markii ay go’day fiilo Fiber Optic ah.

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in la xaliyay ciladii Internetka oo muddo 3 bari ah shaqo ay ku socotay.

Waxaa hadda dib u soo laabtay adeegyadii ku xirnaa Internet-ka, sida shirkadaha xawaaladaha , kuwo Duulimaadyada iyo Shirkadaha Ganacsiga.

Dhibaato dhaqaale oo aad u baahsan ayaa ka dhalatay markii internet-ka uu ka tagay koonfurta iyo Bartmaha dhulka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho