Xidig: “Askariga dablaha ah waa in mushaar loo siiyaa 500 oo dollar ”

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kordhiyo Mushaarka Ciidamada, si loo xaqiijiyo Amniga dalka.

Xildhibaan Xidig oo shalay ka hadlay kulan ay Xildhibaanadu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya wax kaga weydiinayeen Miisaaniyadda dowladda ee Sanadkan 2017-ka  ayaa sheegay in mudnaanta Kowaad ee dalku tahay  xaqiijiyo Amniga, si taasi loo gaarana Wasaaradda Maaliyadda laga doonaayo in ay kordhiyaan Mushaarka ay qaataan Ciidamada xooga dalka.

Sidoo kale Xildhibaan Xidig ayaa sheegay  in shaqaalaha rayidka ah oo aan waxba qaban ay qaataan Lacag aad u badan , Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Shaqadda ku jira har iyo habeena lasiiyo lacag dhan 100 dollar .

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Wadarta guud ee Miisaaniyadda Sanadkan 2017-ka ku sheegtay, $ 246,018,876, iyadoo ay jiraan ciidamo ka cowda mushaar la’aan iyo dayac kale.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Xidig

PUNTLAND POST