Beyle:-“Turkigu wuxuu Soomaliya ugu abxay balan-qaad uu u sameeyay”

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo shalay mar kale hortagay Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay khasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa bishii April ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeyso lacag gaareysa labo milyan oo dollar bil kasta, si ay ugu kaabto miisaaniyadda dowladda Soomaliya.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Wasiir Beyle ayaa  hor-tagay Baarlamaanka oo uu kaga jawaabayay su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho