Xasan Sheekh oo Xuquuq ku yeelanaya Dowlada Soomaaliya

Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Kulankooda Todobaadlaha ah oo ay  khamiistii ku yeeshteyn Magaalada Kismaayo waxa ay kaga hadleyn Arrimo dhowr ah, qodobada Golaha wasiirada ay qaadaadhigeyn waxaa kamid aheyd in xuquuq la siiyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Fderaalka Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbahinta u akhriyey waxa a wasiirada ka wada hadleyn ayaa waxa uu sheegey in si wadar ogol ah ay wasiirada iskula garteyn in xaquuq la siiyo madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Weli lama shaacin cadadka lacagta xaquuqda lagu sheegay oo ay Golaha wasiirada isku wafaqeyn in la siiyo Xasan Shiikh Maxamuud, waxaase wasiir yariisoow uu sheegay in soo jeedintaasi loo gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hada ah Xubin ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya , xubinimadaasi oo uu ku helay qodob dastuuri ah oo dhiga Dastuurka qabyo qoraalka Somaaliya.

Puntland Post