Soomaaliya oo laga xusayo Afgambigii fashilmay ee Turkiga


Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta laga xusayaa sanad guurada Koowaad ee ka soo wareegtay Afgambigii fashilmay ee ciidamada Military-ga Turkiga ay ku doonaayeen in ay ku qabsadaan talada dalkaas.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgen Beiger ayaa warbaahinta u sheegay in munaasabad lagu xusayo dhacdadaas lagu qaban doono Muqdisho, ayna ka soo qeyb gali doonaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

15-kii July ee sanadkiii la soo dhaafay ayay dalka Turkiga waxay u ahayd Habeen Madow, kadib markii ciidamada Military-ga Turkiga ay isku dayeen Afgambi  ka dhan ah madaxweyne  Erdogan, balse shacabka Turkiga ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan madaxweyne Erdogan, markii ay hor istaageen Afgambigaas .

Inka badan 250 qof ayaa ku geeriyooday Afgambigaas fashilmay, kuwaas oo iskugu jiray shacab, ciidamadii Afgambiga wadey iyo Booliska sida Military-ga u tababaran oo qeyb ka ahaa is hortaaga Afgambiga.

15-ka July ee sanad walba ayaa dalkaas loo asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta magaalada Istanbul uga qeybgali doona isu soo bax ka dhici doona Buundada Bosphorus, kaas oo lagu xusayo dhacdadii habeenkii 15-kii July 2016.

Dowladda Turkiga ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya siisa taageero balaaran, waxayna Soomaaliya ka mid tahay meelaha laga xusayo maanta dhacdadii 15-ka July.

PUNTLAND POST