Erdogan oo reer Galbeedka ku eedeeyay Munaafaqnimo


Madaxweynah dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo maanta dalkiisu xusayay sanad guuradii Kowaad ee ka soo wareegtay Afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka munaafaqnimo.

Madaxweyne Erdogan oo warbixin ku qoray Wargeys ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala cadaanayso xaaladda isku daygii Afgambi, isagoo intaas ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen oo ah wadaadkii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Afgambigaas.

Erdogan ayaa sidoo kale wax kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku daygaasi afgambi.

15-kii July ee sanadkiii la soo dhaafay ayay dalka Turkiga waxay u ahayd Habeen Madow, kadib markii ciidamada Military-ga Turkiga ay isku dayeen Afgambi  ka dhan ah madaxweyne  Erdogan, balse shacabka Turkiga ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan madaxweyne Erdogan, markii ay hor istaageen Afgambigaas .

Inka badan 250 qof ayaa ku geeriyooday Afgambigaas fashilmay, kuwaas oo iskugu jiray shacab, ciidamadii Afgambiga wadey iyo Booliska sida Military-ga u tababaran oo qeyb ka ahaa is hortaaga Afgambiga.

15-ka July ee sanad walba ayaa dalkaas loo asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

PUNTLAND POST