Adeegii Internetka Koonfurta iyo Bartamaha oo Dib u soo laabanayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka go’ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in  la bilaabay qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda, kadib markii markab marayay biyaha Soomaliya u u jaray.

Waxaa uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Boostada waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya ka taxadari doonto in xaaladan oo kale aanay dhicin, isla markaana ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo adeegyada Internet-ka ee dalka.

Shirkadda Dalkom oo keentay adeeggan Internet-ka ee Fibre Optic oo la soo marsiiyay badda gunteeda hoose ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay rajeyneyso inuu dib u soo laabto Internet-ka koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Muddo 20 maalmood ka badan ayuu Internet-ka ka maqan yahay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana maqnaanshaha Internet-ka uu saameyn ku yeeshay adeegyadii bulshada, sida xawaaladaha, waxbarashada iyo shirkadihii duulimaadka ee Tikidhada ku bixiya qaabka Online iyo ganacsiyo kale.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post